Maxaa Haray oo La isku Haystaa?

Reading Time: 3 minutes

Waxaa muuqata inuu dalka mar horaba cagta saaray waddo halis ah oo burbur ku dhamaaneysa, waxaana muuqata mucaarid iyo muxaafid in dadka Somaliyeed ay cabsi wada hayso. MW Farmajo waxaa uu aad u kala fogeeyey dadka Somaliyeed waxaanau abuuray koox yar oo cid waliba colaad u haysa oo danahooda ilaashada, iyagoon xataa ogeyn in danahooda ay ku xeran yihiin dadka ay colaadinayaan.

Bal u fiirso dhacdooyinkaan:

  1. Degmooyinka Karaan, Huriwaa, Yaaqashid, Dharkenley iyo Dayniile Dowladda kama taliso kamana warqabto.
  2. Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo sheegay inay dib u dhigayaan doorashada Xildhibaanada Aqalka sare, kadib markii sidaas laga codsaday.
  3. RW oo muujinayo inuu isabdal ku sameeyey Xafiiska oo mid  dhibay iska eryey  keensadayna mid kaloo ka daran.
  4. Barlamanka oo sharciyadiisii dhacday 27/12/20, walin aan la hayn ciddii badali lahayd oo ay tahay inay iska joogaan oo ay dantooda u shaqeystaan illeyn wax sharci ma sameyn karaane.
  5. MW Farmajo oo ay sharciyadiisa uu dalka ku hogaami karo ay uga hartay 39 maalmood oo hadda iska daba wareegaya.

Haddaba akhriste arrimahaan oo dhan waxay riman yihiin inay xabad bilabato tan oo u baahan in hadda ay ka tashadaan dadka ay dadkooda ku baaba’ayaan. Gobollada dalka tacsi iyo duco idin kala bakheyli maayaan maalintaad gaartaan Meesha ay MOL hadda ka digeyso oo ku eg inaad tashataan oo aad Farmajo iyo Fahad iska eridaan ama aad soo qabataan oo aad ku maxkamadeysaan dhibaatooyibka ay dalka gaarsiiyeen.

Demooyinkan aan soo sheegnay waxaa mid waliba a taliya kooxo ka goostay CXD Somaliyeed oo iskood isu abaabulay dowladdana ma tagi karto, dhowr goor oo ay isku daydayna waa ka soo noqotay.

Guddiga Doorashada ( Hal xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma dhasho) oo isagaba aan sharciyad lahayn sidee ayuu u qaban karaan doorasho. Waasa tee cidda ka yeleyso wuxuu qabto inay tahay doorasho maadaama aysan jidkeedii ku joogin. Waxay sheegeen hadal yaab leh oo ay aqoondarri ugu wacan tahay, kaas oo ahaa “Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.”

Waa yaabe B) sidee ayey Qoorqoor uga ogolaadeen codsiga uu u soo jeediyey?  T) Sidee ayuu Qoorqoor codsi ugu diri karaa guddi aan sharci ahayn xubnaha ku jiraa oo lagu muran san yahay darteed ?.Haddii guddiga ay codsi yeelayaan maxay u yeeli waayeen ka shacbiga Somaliyeed ka imanaya ee ah “Iska casila guddiga maadaama aysan sax ahayn inaad ka mid noqotaan maadaama ay baalmarsan tihiin shuruudihii gudiiga looga baahnaa?”

Guddiga maxay u qaadaanayaan mas’uuliyad ay ogyihiin inuu dagaal ka imanayo? Waayo cidda ay maanta sheegaan in la dooraty cid kasataaba xaq ayey u leedahay inay diiddo maadaama aysan iyagu sharciyad iyo ogolaansho awood garsooreed haysan?. Sidaas darted MW Qoorqoor iyo Guddigaba waa gafsan yihiin ee sida saxan waa yaqaannaan ee ha sameeyaan.

Magacaabista la sheegay in VIllada ay ku sameysay xafiiska RW Rooble marka hore  waa ihaano oo isaga ma magacaaban karo, mana magacaaban lahayn wiil uu Laftagareen Abti u yahay oo hawshiisaba ay ahayd inuu Lafta Gareen kala taliyo sidii loo boobi lahaa doorashada, haddana la keenay Xafiiska RW si loola  socdo RW Rooble loona xakameeyo maadaama uu waqtiga soo dhow yahay. Marna waxaa khidad dugsan in Xafiiska RW uu si toos ah u galo gacanta Villada iyo Fahad lagana maamulo.

Dalka Barlamankiisa waa iska sii joogi doonaa iyagoo aan wax sharciyada haysan, waxaana la hubaa in xataa askarta Villada ay qashqashaadi doonaan oo ku oran doonaan ID Kaarkaaga waa dhcay oo xildhibaan ma tihid? Maalmo yar aan sug waad maqli doontaan iyagoo cabanaya oo waliba cabsanaya, laba shabaabna  (Fahad iyo Alshabaab) ay ku adkeyn doonaan, kii ay doonaanna ay u dhameyn doonaan.

MW Farmajo 39 beri ayaa talada ugu hartay kadibna cid war ka qaadaneyso ma jirto laakiin xogta waxay sheegeysaa in si dhkhsa doorasho macamal ah loo qaban doono, isaga lagu dooran doona, kadina carari doono isagoo leh waan tanasulayaa sidii aan kol horaba beenta idiin kugu sheegay haddana waa I kan ee iga qaata, si aan markale u soo noqdo. Laakiin waa in Farmajo laga mamnuucaa inuu dalkaan mar kale wax ka noqdaa, dhibaatada uu noo geystay darteed.