Maxaa fashiliyay kulankii xalay ee taageerida Saciid Deni? Muxuuse isagu uga baaqday?

Reading Time: 2 minutes

Waxaa xalay  lagu qabtay magalaada Garowe xaflad la qorsheeynayay in lagu taageero musharaxnimada Saciid Cabdullahi Deni ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Xaflada oo markii hore la qorsheeynayay inay ka soo qeyb-galaan waxgarad iyo dhaqanka magac ku leh Puntland ayaa gabi ahaanba diiday inay soo xaadiraan.

Saciid Deni oo ahayd in uu xaflada ka soo qayb-galo ayaa markii uu ogaaday in xaflada ayan imaanaynin dadkii lagu martiqaaday oo isugu jiray isimo, dhaqan, waxgarad iyo siyaasiyiin caan ah ayaa isagana go’aansaday inuusan ka qaybgalin xafladii isaga lagu taageerayay.

Dhanka kale xaflada oo ahayd in lagu soo badhigo baraha bulshada ee u gaarka ah Saciid Deni iyo dowladiisa ayaanba lagu soo hadal qaadin xafladaas fashilka ku soo dhamaatay. Dad ka qaybgalay xaflada ayaa sheegay in goobta ay ka socotay xafalada  mar qura lagu kala tagay markii Saciid Deni uu diiday inuu soo xaadiro.

Saciid Deni oo is lahaa xaflada waxa ay noqonaysaa mid aad loo soo abaabulay ayaa sidoo kale waxa lagu soo aadiyay xili dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan Koonufurta Soomaaliya  ay masiibo la soo daristay. Xaflada lagu soo beegay masiibadii ka dhacay Baladweyne ayaa keentay in Saciid Deni loo arko mas’uul aan  karaamo iyo xushmad u heynin shacabka ku dhaqan HirShabelle ee tacsiyada u tiilay.

Hadaba markii fashilka ku dhacay kulankii taageeradiisa ayuu Saciid Deni waxa uu maanta qado u sameeyay siyaasiyiinta xalay ka biyo diiday in ay tagaan goob lagu taageerayay musharaxnimadiisa. Kulankii qadada ee maanta ayuuna ku codsaday in lagu taageero go’aankiisa ah in uu tartamo jagada madaxweynaha Soomaaliya.

Ragii kulankii maanta ka soo qaybgalay oo uu u horeeyo Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa kamida raga ku eedyay Saciid Deni in uu jariimo ka geystay Puntland. Waxa uuna si maldahan ugu eedeyay Deni iuu yahay nin danbi ka galay Puntland, ayna tahay in lagula xisaabtamo danuubtaas.