Maxaa dib loogu dhigay xil ka qaadista Gudoomiye Yariisoow (Aqriso sababta)

Reading Time: < 1 minute

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dib udhigtay in Maamul cusub umagacowdo Gobolka Banaadir iyadoo Laga Qaadi lahaa Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu muddo dib udhigay in la badelo yariisoow inta Xasarada Siyaasadeed ay taagan tahay.
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ku furan Mowjado Siyaasadeed oo kaga yimid dhinaca Maamul Gobolleedyada iyo Kenya oo dagaal kale ku heysa.

Tiiyoo ay sidaa culeysyada ujiraan ayaa hadana waxa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoo lasoo warinayo in Yariisoow uu Aqbalay in xilka laga qaado.

Doorashada Jubbaland kadib ayaa laga yaabaa in la magacaabo Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir iyadoo Gudoomiye Yariisoow,Wasiir laga dhigi doono sida aan xogta ku ogaanay.