Maxaa dhex maray Farmaajo & Xildhibaanadii uu sirta ku qarsaday (Xog Muhiim ah)

Reading Time: 2 minutes

“Wuu la shawray (afkeenu waa isku ammaan) wayna sheegeen”

Soo dhawaada” waa sida uu hadalku ku biloowday. Waxaan tihiin xildhibaano waddaniyiin ah. Marka hore waxaan idiinka mahad-celinayaa imaansha aad naga aqbasheen, intaa kadib aanba is faaniyee marka laga soo tago xukuumaddihii Aaden Cadde & Maxamed Siyaad, xukuumaddaydu waa xukumaddii saddexaad ee dunidu ay maamul wanaag u qirto. Worldbank & beesha caalamka ayaa wax qabadkaanaga ammaanay, ummadduna way na jeceshahay.

Intaa kadib waxaan idiinku yeeray, si aan waanaagaa naloo qiray usii wadno, ummaddana loogu adeego, waxaan idin odhan lahaa, sharciga doorashada inaan dood la galinin, oo aad idinka & saaxiibadiin sidiisa ku meel marisaan, si madaxweynaha soo socda ay ergo usoo doorato.

Waxaan idin balan qaadaynaa inaan idinkala shaqayno sidii aad usoo laaban lahaydeen, xataa kuwa mucaaradka ah maamul goboleedyada ayaan kala hadlaynaa sidii ay kusoo laaban lahaayeen,

Soomaaliya way sahlantahay adiga oo aan siyaasi ahayn in si fudud aad xil sare oo dawladeed ku qabato,Saddex bari oo xog raadin ah kadib kolkii aan dhinacyo badan ka xaqiijiyay in hadalkaa uu madaxweyne Farmaajo ku yidhi xildhibaano uu la kulmay, waxaa ii cadaatay madaxweyne Farmaajo nasiibka kursiga siiyay ka sokoow inuusan siyaasi ahayn, ahaansho iskaba daaye, xataa uusan waaya-aragnimo siyaasaddeed ka kororsan mudadii uu xilka hayay. Waxaan sidaas u leeyahay rag uu doonayo in awoodii xildhibaanimo ee xilka & xoolaha ay ku helayeen uu ka xayuubiyo, booskoodiina ergo uu ku badalo, ayuu haddana leeyahay xeerkii aan idinku gawrici lahaa gacantiina ku saxiixa.

Waxaan sidoo kale garan la’ahay in madaxweyne Farmaajo uusan weligii hoos u dhawrin xeerka dalka u dagsan & inuu kas iskaga indha tirayo dastuurka KMG ah ee aan maanta ku dhaqano. Waayo Qodobka 89aad, ayaa waxa uu qeexayaa, doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
Waxaa is weydiin mudan, xataa xildhibaanadan uu xod-xodanayo haddii ay u meel mariyaan sharciga doorashada, xaggee ayuu ka mari qodobka 89-aad? Soow kama horayso in qodobkaas meesha laga saaro & badalaad dastuur. Taas oo u baahan saddex meelood laba meelood xildhibaanada labada gole.

Hadal & dhamaan, waxaa ii muuqda in saddex xaaladood uu madaxweynuhu ku suganyahay, waa midda koobaade, waxaad moodaa inuu xaqiiqsaday in uusan heli doonin tiro xildhibaano ah oo mar kale soo doorta, taasina ay sababtay inuu xoqdo kaar ka duwan kii hore ee waddaniyadda oo kolkana “ergo” & odayaal uu ku dayo.

Waa midda labaade waxaa marag ma doonto ah in madaxweynuhu uu is moodsiiyay in awoodii dalka oo dhan ay gacantiisa soo gashay, maadaama aysan qorshahaba ugu jirin, siyaasi madax banaan & maamul goboleed in damaciisa ay diidi karaan.

Midda ugu dambaysa waxaa iyadana muuqata in madaxweynahu uusan haba yaraatee ka warqabin xaaladdaha cakiran & xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira, oo uu ku qancay kaliya ammaanta & mala-habaynta inta ku xeeran ee habeenkii sacabka ku seexiya. Taas oo tustay sawir ah in dal & dibadba laga jecelyahay.

Guntii & gunaanadkii “wuu la shawray, wayna sheegeen” sidaa awgeed waxaan odhan lahaa madaxweyne Soomaali ma aamusiin kartid ee adigu afkaaga hayso, ogoowna nin adiga kuu heelan intii aad u sheegtay dibadda uma uusan saareen, taas ku quus qaado, oo ogoow xaaladdu sida aad is-moodsiisay inay aad uga fogtahay.

W/Q Axmed Maxamed Xasan