Xoghaaya Gudiga Dib u Eegista Dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in marar badan ay dhacday wada xaajood lagu doonayay in lagu xaliyo Qilaafka Udhexeya wasaarada Dastuurka iyo Gudiga Dib u Eegista Dastuurka, balse ay taasi lagu guul dareestay.
133 iyo 134 waa Qodabada ugu muhiimsan ee ay dooneyso wasaarada Dastuurka in ay xaqiraad ku sameyso sidoo kale miisaaniyadii Qaran e baarlamaanka uu meel mariyay in uu ku tagri falo taana ay ka biya diideen.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh jabriil dhankiisa waa uu k hadlay Murankaani waxaana uu sheegay in aysan jirin Khilaaf buuran oo jira Balse Shaqsiyaad Dano Gaara leh ay Buunbuuniyeen
Maxaa ka Jira Khilaafka Maxaasa ka run ah Hadalada La isla dhexmaraayo
Khilaaf xoogan ayaa ka dhex-curtay gudigga Dib u Eegista dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil waxaana khilaafkaasi la dhaliyay hal arin oo ah lacag taasi oo lagu muransan yahay cida qaadan doonta,Lacagta ayaa loogu talagalay in lagu meel mariyo Arimaha dastuurka waxaana Bixineeysa Beesha Caalamka,Hase’yeeshee lacagtaasi waxaa ay dhalisay Khilaaf iyo in lagu kala tago Gudigga Dib u Eegista Dastuurka
Waxaa jira 4-Garab kuwaasi oo mid walbo uu doonaayo in uu soo dhacsado Lacagtaasi islamarkaana ay u wareegto koox asigga la shaqeeysa islamarkaana uu Fahansan yahay si qaab musuq maasuq ah loogu dhaco dhaqaallahaasi
Kooxda 1-aad waxaa hogaamiya Axmed Cabdisalaan Aadan ,waxaana uu ku duulayaa Hay’ad Cilmi Baarista ka shaqeeysta ,waxaana qeeyb ka ah wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi faarax Juxa,Jamaal Kuutaalle,Nuur Diinaari iyo xubno ka tirsan golaha wasaarada oo uu qeeyb ka yahay Wasiir Xoosh
Qeeybta 2-aad waxaa ku safan islamarkaana u ololeeynaya in Lacagtaasi in Gacanta Lagu dhigo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad kaasi oo hay’adda” IIDO’‘ oo ay leeyihiin Gabdho ay qaraabo Yihiin u Rabo in Lacagtaasi loo gacan galiyo
Qeeybta 3-aad sidoo kalle Gudoomiyaha Gudigga Dastuurka Cabdi Xassan Cawaalle qeeybdiid oo Garab ka Helaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiiikh Cusmaan (jawaari) ayaa u dagaalamaya in Lacagtaasi lagu soo Wareejiyo
Qeeybta 4-aad Wasiirka Haweenka Iyo Xaquuqul insaanka deeqa oo garab lixaad leh ka heleeysa Xafiiska R/wasaare Kheeyre ayaa iyana waxaa ay u loolameeysaa in ay Lacagtaasi Gacanta ku dhigto
Xaqiiqda Khilaafka Gudigga Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka ayaa ah taas waxaana Maalmahii lasoo dhaafay Bulshadda loo sheegaayay in Arimo Kalle Lagu Murunsan yahay si loo daboolo Waxyaabaha la isku heeysto
Hadaba Maxaa La Gudboon Shaqsiyaad Loolankaasi ka dhaxeeyo
Dastuurka waa midka kaliya ee kala hago Umadda waxaana loo baahan yahay in loo meel mariyo si sinaan iyo cadaalad leh balse hadii Qiimaha iyo Qadarinta Qaranka Qarashaad la dhaafsanaayo,waxaa masuuliyadda arinkaan wax laga weeydiinayaa Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Sidoo kalle Xildhibaanadda Baarlamaanka waxaa la gudboon in aysan ka aamusin arinkaan oo ay soo fara-galiyaan maxaa yeelay masuuliyadda ayaa ka saaran