maxaa cusub Magaalada Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa  waxaa ay sheegayaan inuu ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro qabashada doorashada madaxtinimo ee Koofur galbeed oo birito ka dhaceyso magaaladaasi.

Saaka waxaa magaalada laga daremayaa howlgalo dhanka amniga oo aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamada amaanka la geeyay wadooyinka gala hoolka la qorsheynayo in birito ay doorashada ka dhacdo.

Waxaana sidoo kale hoolka lagu diyaariyay dhaman kurasta ay xildhibaanada codeynaya iyo sidoo kale  halka musharaxiinta ay fariisanayan.

Doorashada ayaa noqoneysaa in ay dhacdo iyadoo uu Mukhtaar Roobow uu ku xiranyahay Muqdisho dowladuna ay sheegtay in uusan buuxin shuruudihii lagu heshiiyay