Maxa loo kala diray Golaha Degaanka magaalada Gaalkacyo?

Reading Time: < 1 minute

Si aan horay loo sii shaacinin ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo, isaga oo ka taqalusay maamulkii hore ee ka jiray deegaankaas.

Halkaan ka aqriso hadalkii ku qornaa wareegtada ka soo baxaday xafiiska madaxweyne Puntland:

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: DastuurkaPuntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo

Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland

Wuxuu xeeriyey :-

Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo

Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay, waxaana uu ka dambeeyay markii Madaxweyne Deni uu kala diray golihii degaanka degmada Gaalkacyo.

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
1 9 days
0 9 hours
4 0 minutes
1 7 seconds