Shirkii Afesyooni ee maanta loo balansanaa oo baaqday

Reading Time: < 1 minute

Shirka Madaxda Federaalka ee muddo xileedka ka dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga hadlayaan xal ka gaarista khilaafka hortaagan qabsoomidda doorashooyinka dalka oo maanta Talaado ah loo balansanaa ayaa baaqday

Dhanka kale shirkan oo shalay nasasho ay galeen madaxda ayna la soo tashanayeen madaxda kale ayaa ay ahayd in ui maanta din u furmaya laakiin Qoor Qoor ayaa fashiliyay kandib markii uu safar aaday.

Dad aad ugu dhaw shirka ayaa MOL u xaqiijiyay in ay aad u adag tahay in Shirka laga fisho wax guul ah. Waxaana uu sheegay in dhowr ka maalin ee soo socotaa shirka uu socon doono iyada oo ayan jirin cid balan qaadi karta in madaxda ku Heshiisiinta.

Beesha Caalamka oo fududeeyay isu keenidda dhinacyadaan ayaa ku bogaadiyay in ay heshiis ka gaaraan is faham-darrada ka dhex jirta, maadaama muddo xileedka Hay’adaha Doorashooyinka ku yimaada ee Dowladda Federaalka uu dhammaaday.

Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada