Maxa kajira in taliyihii hore Sirdoonka Somaliland uu ku biiray Ciidamada Turkiga ee Muqdisho?

Reading Time: < 1 minute

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowladda Turkiga, ay saldhigyadeeda Ciidamada ee magaalada Muqdisho ka hawl-galisay saraakiil Soomaali ah oo uu ku jiro Taliyihii hore ee Ciidanka Sirdoonka ee dowlada la magac abxaday Somaliland, Sareeye Gaas Jaamac Maxamed Bootaan ayaa mudo ka badan  10 sanno  ahaa Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Somaliland.

Dowlada Turkiga ayaa waxa  ay horay tababaro kala duwan u siisay  qaar kamida sirdoonka Somaliland, iyada oo haatan qaar ka mida ciidankaas ay tababar ku qaataan dalka Turkiga. Sida ay sheegyaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka agdhaw xarunta milatari ee Turkigu ku leeyahay Soomaliya ayaa waxa ayaa sheegeen  in saraakiil Soomaliyeed oo uu ka mid yahay Jeneraal Jaamac Maxamed Bootaan, ay Dowlada Turkigu ka hawlgalisay Saldhigooda Milatari ee ay ku leeyihiin Muqdisho, waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan, In Jeneraal Jaamac Bootaan loo magacaabay Jago sare, isla markaana uu Ciidamada Turkiga ee Saldhig-goodu yahay Muqdisho uu Mr. Bootaan kala shaqayn doono dhinaca Sirdoonka.

Madaxweyne  Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu ka qaaday Generaal Jaamac M. Bootaan, Xilkii Taliyaha Sirdoonka JSL March 28, 2019-kii oo wakhtigan ay ka soo wareegtay muddo Sannad Iyo dhawr Maalmood. Muddada Sannadka ah ee uu Taliyuhu ka sii maqnaa, waxa kale oo wararku sheegayaan ku noolaa Dalka Turkiga,