Sida ay sheegteen SSC, Xoogag ka tirsan SSC-Khaatumo oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka nawaaxiga Tuulo Samakaab kaga sii siqaya jidka wadada dheee ah ee Laascaanood iyo ilaa iyo deegaanka Oog.
Xoogaga SSC-khaatumo ayaa la sheegayaa inay ka soo ruqaansadeen dhinaca Dhabansaar shalay dusha ka maray ciidamo ka tirsan Somaliland oo isku dayay in ay ka hor istaagan dhanka laamiga.
SSC ayaa sheeganaysa in kadib dagaal xooggan oo labada dhinac dhexmaray ayay ciidamada Somaliland u carareen dhinaca Tuulo Samakaab halkaas oo ay hadda dul fadhiyaan cutubyo ka tirsan SSC.
Furinta dagaal ee aagga Tuulo Samakaab ayaa gebi ahaanba soo geba-gabaysay marinkii taakulada ciidamada Somaliland ee Laamiga Oog iyo Laascaanood.
Sidoo kale maleeshiyaad uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe oo la socda ciidamada Somaliland ee ku sugan Tuulo Samakaab ayaa qaarkood u goostay dhinaca SSC sida laga soo xigtay dadka degaanka.
Dowlada Somaliland ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin dagaalka ka socda deegaanka Laascaadood.