Maxa ka soo baxay kulankii Farmaajo, Kheyre & Xaaf! Balantii ma fushay? (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Asbuucii u danbeeyay waxaa uu Madaxweynihii hore ee Axmad Ducaale Xaaf isaga daba noq-noqonayay Xarunta Villa Soomaaliya isaga oo ku daba jooga balamihii dhaqaale ee uu Xasan Kheyre ka balan qaaday markii uu ka tanaasulayay sii haynta jagada Madaxweynanimada Galmudug.

Xaaf oo dhowr mar kulumo ugu tagay MW Farmaajo  ayaa loo sheegay in uu sugo inta Xasan Kheyre  ku soo noqonayo magalada Muqadishu. Xaaf oo ay ku jirto cabsi ah in balantii looga baxo iyo in xaalada Galmudug oo ka sii daraysa isaga laga codsado in uu ka caawiyo dowlada Fedaraalka, taas oo ay isagu ugu muuqatay meel aan rajo badan ka soo muuqan , ayaa mar alaale markii Kheyre ku soo noqday Muqdisho waxa uu codsaday in uu uu la kulmo labada nin  si  u sarifto tanaasuladii uu sameeyay.

Kulankii u horeeyay ayaa waxa uu dhacay horaantii asbuucii  hore kulankaas ayaa waxa goobjoog ka ahaa Kheyre iyo Farmaajo. MW Xaaf oo ay ka muuqato caro isla markaana dareemayo in la meer-meerinayo ayaa ku yiri Farmaajo waxaad i lahayd sug 45 cesho Xasan Kheyre ayaa imaanayo,  waa kaa waa  yimid oo waa kan caawa nala fadhiya ee maxaa balantii la iga qaday la oofin la yahay, hadii kale walaahi godkeygii ayaan ku noqonayaaayuu yiri isaga oo qosol ku daraya.

MW Xaaf ayaa ku daray Farmaajo aniga waad i taqaan runta kama gabado, waxa aan qabana ma qarso aqaan..  45 cesho ayaan saa u soo fiirinayay Villa Soomaaliya, mana i qabato in caawa aan halkaan ka baxo aniga oo gacan maran.

Kulankii u horeeyay waxa uu ku dhamaaday in lagu qabciyo in MW Xaaf uu “dulqaato maadaama  tasci u taal dalka qalaalase siyaasadeedna ka jiraan degaanka Galmudug.Xaaf oo horay lacag horumaris ah loo siiyay ayaa ku qancay in uu balan kale u soo noqdo tacsida Eng. Yarisow ka dib.

Xaaf aya waxa horay loogu qoray warqado kala duwan tan ugu muhimsanayd oo loo qoray waxa ay ahayd tii loogu balan qaday in isaga qandaraas lagu siin doono dhamaan arimaha farsamo ee ay u baahnaan doonaan shirkahada shidaalka oo sahmintii u horaysay ka bilaabi Badda Galmudug bisha Janaayo ee sanadka soo socda. Xasan Kheyre  ayaa u sheegay  Xaaf in lacagta lagu bixinayo arimaha amaanka, farsmada iyo gawaarida ay shirkadaha u baahan yihiin kaliya ay ku bixi doonto malaayiin doolar.

Xaaf  oo qoraalkaas horay loo siiyay ayaa labo habeen ka hor waxa uu fadhi ka sameeystay Villa Soomaaliya isaga oo doonayay in mar kale uu isku helo Farmaajo Kheyre. Saacado badan oo uu fadhiyay Villa Soomaaliya waxa Xaaf u suuragashay in uu labadii nin markale isku helo.  Xaaf ayaa kulankaan waxaa lagu sii qaybtii labaad ee lacagta loo balan qaaday iyada oo isla habeenkii lagu balamiyay dadkii lacagta uu qadan lahaa subaxdii. MOL uma suuragalin in ay hesho cadada rasmiga ah ee lacagta lagu wareejiyay Xaaf.

Inkastoo MW Xaaf uusan wada helin lacagihii laga balan qaaday dhamaantood hadana  sida ay u  xaqiijiyeen MOL  ilo ku dhaw Xaaf qaybihii u horeeyay  lacagtaas waa lagu wareejiyay.

Xasan Kheyre ayaa kulankii u danbeeyay ku adkeeyay Xaaf inuu idaacadaha la hadlo oo uu tageero howlaha nabada ee Xasan Kheyre sheegay in uu ka wado degaanka Galmudug.

Xaaf oo dhanka kale ka jaawabaya su’aal uu Farmaajo ka waydiiyay shirka Hobyo in uu guul ku dhamaan doono iyo dhibka uga imaan karo dowlada Fedaraalka ayaa Xaaf oo qoslayo ku yirikuwaa aniga ayaa ka dhashay inta raga qaar hor boodayaan waxa aad ka baqdaan ma jiraan.