Badari ka tirsan Mad-habta Katooligga ayaa sheegay in uu booqasho ku yimid Muqdisho islamarkaana qiimeeyay sida ay suuragal u tahay in la furo Kaniisadda Katooligga ee Magaalada Muqdisho,taas oo hadda bur bursan.
Baadarigan oo lagu magacaabo Giorgio Bertin,ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda degeyso Daacish islamarkaana aysan sahlaneyn in Kaniisad dib looga furo.
Waxaa uu sheegay in Kaniisadda kaliya ee Katooligga ku lahaayeen Soomaaliya ay ku taallo Hargeysa taas oo iyana la xiray dhamaadkii sanadkii 2017kii kaddib markii ay hanjabaado la kulmeen maamulka Kaniisaddaas.
Isaga oo la hadlayay Catholic News Service.,ayaa waxaa uu sheegay in Dowlad dhexe oo amniga dadka aan muslimka ahayn damaanad qaadi karta aysan ka jirin Soomaaliya,waxaan uu intaas ku daray in Daacishta Ciraaq iyo Syria looga adkaaday ay hadda degayaan Soomaaliya.
Giorgio Bertin,ayaa sheegay in dagaalyahanno ajaanib ah ay ku qul qulayaan Soomaaliya iyaga oo ku biiraya Daacish,waxaa kale oo uu sheegay in kuwo ka goostay Al-shabaab ay ku biirayaan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dhallinyaro Kenyaan ah oo dhawaan ku biiray Daacish kuwaas oo uu sheegay in muuqaal ay iska duubeen ku sheegay in ay weerarayaan Kaniisadaha.
In Soomaaliya Kaniisad laga furo iska daaye,kuwa Itoobiya iyo Kenya ayaa hadda amnigooda halis ku jiraa,Daacish waxaa ay hanjabaad jooga ah ku heysaa Kaniisaha dalalka deriska la ah Soomaaliya”,ayuu yiri Baadariga lagu magacaabo Giorgio Bertin.
Waxaa uu sheegay Daacishta Soomaaliya iyada oo dhaqaale ka heleysa midda Ciraaq iyo Syria in 2016/2017 kii ay weerarro ka fuliyeen Soomaaliya.
Waxaa uu rajo xumo ka muujiyay in kaniisad laga furo Soomaaliya,isaga oo ka walaacsan amniga Kaniisadaha Kenya iyo Itoobiya oo hadda hanjabaadyo wajahaya.