Maxa Ka Jira Maanta Magaalada Baardheere ee Gedo

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo aya shegaya in halkaasi manta ay socdaan howlgalo balaaran oo ay cidamada dowlada iyo kuwa amisom halkaasi ka sameyeen.

Howlgallada ayaa waxa ay si gaar ah Ciidamadu uga sameeyeen agagaarka magaalada Baardheere ee gobolkaasi.
Waxaan la sheegay in howlgalladaasi lagu baadi goobayay xubno ka tirsan Al Shabaab oo weerar ka fuliyay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee M/ Baardhere.

Gobolka Gedo oo ka mid ah deegaanada Jubbaland ayaa waxaa ka socda howlgallo ka dhan Al Shabaab oo gobolkaasi ay ka wadaan Ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.