Maxa Ka Jira In Yuusuf (Koba Ku Tukade) lagu Dhawacay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Hiraan

Reading Time: < 1 minute

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka howlgala Gobolka Hiraan ayaa xaqiijiyay dhaawac soo gaaray Yuusuf Sheekh Ciise (Koba Ku Tukade) oo Al-Shabaab ka tirsan.

Koba Ku Tukade ayaa la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray dagaal ka dhacay 16-kii bishaan deegaanka Bulacle oo hoos taga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka waxa ay sidoo kale ay sheegeen koba ku tukade uu hogaaminayay dagaalka waxa ayna tilmaameyn Saraakiisha ciidanka in dhaawaca Koba Ku Tukade loo qaaday Gobolka Shabellaha dhaxe.

Yuusuf Sheekh Ciise (Koba Ku Tukade) ayay saraakiisha ciidanka xoogga dalka waxa ay ku sheegeen in Al-shabaab uu u qaabilsan yahay Gobolada Shabellaha dhaxe, Hiraan iyo Gobolka Galgaduud.