Qaar ka mid ah xubno la sheegay in ay xabsi guri u yihiin madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxay beeniyeen inuu sax yahay warkaasi.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in madaxa xukumadda ay u xayiran yihiin xubno usugu jiro Xildhibaano, odoyaal dhaqan kuwaas oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay xanibaadooda.
Xildhibaan Cabdi Galad oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Galmug oo ka mid ah xubnihii la sheegay in Sheekh Maxamed Shaakir uu xabisay ayaa wararkaas beeniyay wuxuuna tilmaamay in magaalada uu ka maqlay wararkaas.
Shalay aya waxa soo baxay warar shegaya in Xukuumada Galmudug ay Xabsi guri ka dhigtay Xildhibaano iyo odayaal kaso jedda Magaalada Dhuusamareeb.