Maxa Ka Jira in Shaqsiga Qaraxyada Ku Dhajiya Gawaarida La Soo Qabtay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada amaanka ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeyn nin lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Qarax lagu xeray Gaari uu lahaa mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Xooga ee dalka oo yaalay agagaarka xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidamada amaanka oo baaritaan ka sameeyay xaafadaha ka agdhow xarunta degmada Howlwadaag ayaa gacanta ku dhigay dhalin yaro fara badan oo xaafadaas dagan iyo nin kale oo la sheegay inuu falal amni daro ah uu ku lug lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhalin yaradii ciidamada baaritaanada ay ku soo qabteyn dib loosii daayay.

Magalada Muqdisho aya marti unoqotay halista Qaraxyada iyado ay Muqdisho ka dhacayaan Qaraxyo kala duwan oo loo adegsado kuwa gawaarida lagu dhajiyo ee lagu beegsado Shaqsiyadka u shaqeya Hey’adaha kala duwan ee dalka ka howl gala iyo kuwa Dolwada Soomaaliya.