Maxa Ka Jira In Shabaabka Ku Sugan Deeganada Koonfur Galbeed La Wiiqay Awoodooda

Reading Time: < 1 minute

iyado deegano dhaca Gobolka Baay ay ka socdaan qorshayaal logaga saarayo deganadaasi kooxda Al Shabaab aya waxa ay Sarakiil ka tirsan Maamulka Konfur gabeeld shegayan in ay wiiqantay awoodii Al Shabaab.

Gaashaanle sare Nuur Magan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay ayaa sheegay in ay hoos u dhacday awoodii Al-shabaab, wuxuu sidoo kale tilmaamay in gacantooda laga saaray deegaano badan oo horay ay ugu sugnaayeen.

Gaashaanlaha ayaa dhankale sheegay in ay wadaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo logaga saarayo gobolada uu ka arimiyo maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Al shabaab aya weli ku sugan deegano ka tirsan Gobolka Baay,iyado Maamulka Konfur galbeed ee Soomaaliya iyo Muqtaar Robow ay iska kashanayan Sidi al Shabab logaga Saari laha Deganada Maamulkaasi.