Maxa Ka Jira In Gawaari Qaraxyo Sida Ay So Galeyn Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo an ka heleyno laamaha amanka soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in magaalada Muqdisho ay soo galeen gaadiid xambaarsan walxaha qarxa, kuwaasi oo gudaha magaalada ku jira.

Ilo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in magaalada ay xalay soo galeen Labo gaari oo qaraxyo Xambaarsan, waxaana ay ku dhex dhuumaaleysanayaan meello kamid ah degmooyinka dhinacyada ka saaran wadada Makka Al-mukarrama.

Gaadiidkan ayaa ah laba gaari oo nuucyadiisa lagu shegay gawaari Kaarib ah iyo SURF balse tarikooyinkooda ma aanu helin.

Ciidanka amanka aya ku fashilan sugida amanka guud ee caasimada iyado dhacdoyin lida ku ah amnka ay ka dhaceyn magaalada.

Todobaadki tagay ayay ahayd markii qarax xoogan uu ka dhacay meel ku dhaw Hotelka Wehliye ee Wada maka Al Mukarama iyado waxyeelo xoogan ay ka so gaartay dad badan oo shacab ah oo dhalinyaro.