Maxa Ka Jira In Dhuusa Mareeb Ay Ku Xiran yihiin Odayaal Iyo Xildhibaan Deegankasi Ah

Reading Time: < 1 minute

Waxa soo baxaya wararka shegaya in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ay Xabsi Guri laga dhigay Odayaal ka tirsan kuwa Dhuusamareeb iyo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Habeenkii 2aad ay Xabsi ku jiraan ku dhawaad 30 oday dhaqameed oo ka mid Waxgaradka Dhuusamareeb kuwaas oo ka arinsanayay Colaad Beeleed ku soo Laabatay deegaanka.

Odayaasha ayaa laga qabtay Dhuusamareeb iyagoo u fadhiya gogasha Nabadeed ee xal u raadinta dagaal Beeleedka gobalka gaar ahaan Nawaaxiga Dhuusamareeb.

Xildhibaanka Xiran ayaa lagu magacaabaa Xildhibaan Cabdi Galad waxa uuna ka tirsan yahay Baarlamaanka Galmudug ee ka yimid dhinac Ahlusunna waxaana loo xiray dadaalo uu ugu jiray in odayaasha la soo daayo.