Maxa Ka Jira In Dalka Ay Joogaan Ajaaniib Danbiyo Kaso Galay Dalalkooda

Reading Time: < 1 minute

Maxamed Aadan Koofi oo ah Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiydaha Soomaaliya ayaa sheegay in Gudaha Soomaaliya ay joogaan Ajaanib aad u farabadan oo dalkooda dambiyo kala duwan ka soo galay.

Waxa uu sheegay in Ajaanibtaas ay yihiin kuwo sanadihii u dambeeyey dalka soo galay,iyaga oo aan Wadanka ku joogin wax sharci ah,isla markaana qaarkood ay yihiin kuwo ku ilmo dhalay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in la qorsheynayo in dadkaas laba loo kala saaro si loo diiwaangeliyo ,isla markaana kuwa dalalkooda dabiyada ka soo galay loo ganac geliyo Hay’adaha Amniga halka kuwo kale loo sameynayo Sharciyadda ay dalka ku joogi lahaayeen.

Sikastaba tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka waxaa Soomaaliya ku soo qul qulayay Ajaanib farabadan kuwaas oo qaarkood ka howlgalla Shirkado,Isbitaalo iyo goobo kale.