Maxa Ka Jira In Al Shabaab Ay Go’aamiyan Kiisas Kaga Yimaada Dadka Ku Dhaqan Deganada Puntland iyo Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Al Shabaab ayaa sheegtay dadka ku nool deeganada Maamulka Puntland iyo Galmudug inay u soo garsoor doontaan maxkamaddaha Shabaab ee ku yaallo deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Somaliya.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolka Mudug Sheekh Abuu Cadnaan wuxuuna tilmaamay dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland & Galmudug inay Garsoorka ugu tagaan Shabaab.

Wuxuu sheegay Maxkamadaha Al Shabaab ee Gobolka Mudug inay si wanaagsan u qaadaan kiisaska dacwooyinka ee la xiriira dhulalka iyo arrimaha kale ee la isku haysto.

Sheekh Abuu Cadnaan ayaa tilmaamay in tani ay muujinayso Bulshad Galmudu iyo Puntland inaysan ku qanacsaneyn hanaanka Garsoor ee Maamulada Puntland iyo Galmudug, marka loo eego xukunada ay qaadaan maxkamadaha Maamuladaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan Maxkamadahooda xukunada ay ridaan dadka badanaa aysan ka daba hadlin, sababo ku aadan inay ka cabsi qabaan in dil ama hanjabaado kale loo gaysto.

Badanaa Al Shabaab waxaa u xukun doonta qabaa’ilaadka dhulka daaqsinta ah iyo Xoolaha isku dagaala miyiga.