Wararka ka imanaya magaalada muqdisho aya shegaya mooshinki socday ee laga kenay gudomiye Jawari uu hada wejiyo cusub yelanayo.
Warar si hoose aan u helnay ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanno badan oo kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo mooshin ka keenay Jawaari ay hadda dib uga laabteen.
Xildhibaannada ayaa tiro ahaan waxay gaarayaan 12 mudane, iyadoo la sheegay iney dib u eegeen qarannimada iyo wadaniyadda dalka.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale ay jiran xildhibanno kale oo golaha shacabka ah, islamarkaana doonya iney dib uga soo laabtaan mooshinka ay ka keeeneen Jawaari.
Jawaari ayaa hadda u muuqda mid leh rajo wanaagsan oo ku aadan inuu ka badbaaddo mooshinka isaga laga wado,iyado xukumada kheyre ay is xulufeysi sii gabal dhacaya ka wado muqdisho.