Maxa Ka Cusub Maxabiista Shabaabka Aheyd ee Xubno Ka Tirsan Madaxtoyada Garowe Ay Iibsadeen

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya deganada maamulka puntland ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Puntland ay xabsiga dhigayn Tiro ka mid ah Ciidamada Puntland kuwaas oo la aaminsan in ay fududayeen baxsashada Maxaabiis maamulkasi u xirnaa.

Ciidamada la xiray ayaa ka tirsan Ciidamada Asluubta Puntland iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada waxaana la sheegay in ay fududeeyeen Baxsashada Shabaabkii ku xirnaa Guri ku yaala magaalada Garowe.
Wararka aya shegaya in la iibsaday dhalinyaradaasi iyado xubno ku dhaw madaxweyne Cabdi Wali Gaas la shegay in ay siisteyn lacago badan dhalinyaradaasi.

Bilowgi Todobadkan aya Guri ku yaalla magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal waxa ka baxsaday 12 dhalinyaro aha oo mar qura lagu so baraarugay iyago ka maqan gurigasi lagu waardiyeynayay.