Xalay fiidkii ayay aheyd markii rag ka tirsan Al-Shabaab oo watay gaadiidka dagaalka ay la wareegeen deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud,sida ay xaqiijiyeen masuuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Taliyaha Amniga deegaankaas Salaad Cusmaan Xasan ayaa sheegay in deegaanka Baxdo aysan joogin Ciidamo millateri ah basle ay joogan ciidamo yar oo boolis ah,isla markaana taasi ay u fududeysay in Al-Shabaab ay si fudud deegaankaasi ku gaalan.
Waxa uu sheegay in mudo 30 daqiiqo ah ay gacanta ku hayeen markii dambane ay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.
Taliyuhu wax faah faahin intaasi sii dheer kama uusan bixin qabashada Al-Shabaab ee deeganka Baxdo,balse uu sheegay in weli ay u sahlan tahay Al-Shabaab in ay deegaankaas qabsadaan oo ay ku sugan yihiin meel 80 km u jirta.