Mauu ka shirayaan Manta Baarlamaanka cusub ee Galmudug?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay kulan aan caadi aheyn ay kulan ku yeelanayaan Magaalada Dhuusamareeb

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xildhibaanada ay ugu dhawaaqi lahaayeen Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug  oo la hadlay Mareeg ayaa u sheegay in ay kulan yeelan doonaan, isla markaana ajandahooda uu yahay magacaabista Guddi ka shaqeeya arimaha doorashada Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada doorashada Mdaxweynaha Galmudug.

Ku dhawaad ilaa iyo 7 Musharax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug, waxaana doorashadan ku tartamaya Musharax ay wadato dowladda iyo kuwo Musharixiin mucaarad ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!