Masuuliyiinta Katirsan Ddsi Oo Iyagoo Baxsad Ah Lagu Qabtay Deegaanada Maamulka Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa garoonka magaalada Hargeysa waxa ay ku qabteen labo wasiir oo ka tirsanaa maamulka awoodda laga tuuray ee dowlad deegaanka Soomaalida, ee uu hogaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Wasiirada la qabtay ayaa waxa ay kala ahaayeen wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed iyo wasiirkii waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in labada Wasiir ay ahaayeen baxsad,islamarkaana ay ku sii jeedeen magaalada Nairobo ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweyne cusub ayaa loo doortay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dib markii dhowaan uu iscasilay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa inuu dejiyo Xiisada ka aloosan Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee Dowlad Deegaanka.