Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka Maamulka Gobolka gedo Maxamed C/laahi Good khilaaf xoogan ayaa ka taagan gobolkaasi ka dib markii xil ka qaadis lagu sameeyay qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolkaasi.
Good waxaa uu sheegay in aysan macquul aheeyn in xilal laga qaado masuuliyiinta Gobolka gedo waqtigaan islamarkaana ayna aqbali kareeyn warqad lagasoo saaray kismaayo taasi uu sheegay in aysan sharci ahaan karin.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) ayuu ku eedeeyay in uusan gobolka gedo siin mudnaantii uu lahaa sidaas awgeedna ay u diidayaan warqadaha kasoo baxo kismaayo sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka afhayeenka Maamulka Gobolka gedo Maxamed C/laahi Good ayaa waxaa uu imaanayaa xili Gudoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga ee gobolka gedo oo xilka laga qaaday uu diiday in uu wareejiyo xilka