Masuuliyiinta Galmudug oo laga Mamnuucay in Ku shiraan Magaalada Cadaado!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka aynu ka heleeyno Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa kusoo waramayaa in  Amar Maanta ka soo baxay Maamulka Magaaladaasi lagu mamnuucay in shirar Siyaasadeed lagu qabto Magaladaas.

Guddoomiyaha degmada Cadaado ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Xaaf Cabdi Kariin Maxamed Cilmi ayaa faray qeybaha kala duwan ee Bulshada Cadaado iyo Hay’adaha amniga in Magalada aan lagu qaban karin shirar Siyaasadeed oo aan fasax looga heysan Maamulka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in cidii Magalada Cadaado iyo deegaanada hoostaga ku qabata shirar uusan Maamulka ogeyn in ay qaadi doonto masuuliyadda Khasaarihii ka dhasha.