Mas’uuliyiinta Gal-mudug qaarkood oo 2-sano Mushaar qaadan (Aqriso sababta)

Reading Time: < 1 minute

Qaar kamid ah xubnaha garsoorka dowladd goboleedka Gal-Mudug oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa ka cabanayo mushaar la’aan heysato muddo ka badan 2 sano.

Gal-Mudug waxaa hadda jira muran aad u fara badan iyo maamulo is dhinac socdo oo kala maamulo qaar kamid ah deegaanada iyo degmooyinka Dowladd Gal-Mudug.

Sheikh Maxamed Guuleed Keynaan oo sheegtay inuu xubin ka yahay waaxda garsoorka ee dowlad goboleedka Gal-Mudug oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inaysan wax mushaar qaadan tan iyo markii uu xilka ka degay C/kariin Xuseen Guuleed oo ah madaxweynihii hore ee dowladd Goboleedka Gal-Mudug.

Mr Keynan oo wareysi dhinacyo badan taabanayo siiyey Warbaahinta ayaa xusay in garsoorku uu wali ka jiro deegaanada Gal-Mudug islamarkaana uu si cadaalad ah uga shaqeeyo halkaasi.

Mar uu ka hadlayey khilaafka siyaasadeed ee galmuug ayaa waxa uu tibaaxay in garsoorka Gal-Mudug uusan ku lug laheen khilaafka jiro oo uusan midna la safneen Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Axmed Max’ud Xasan Baasto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Somalia iyo hey’adaha samafalka ay ka heleen tababaro iyo taageero dhanka aqoonta garsoorka ah.

Cabashada xubnahan kamidka ah garsoorka Gal-Mudug ayaa imaaneyso iyadoo maamulkaasi ay ka jirto kala qeybsanaan dhanka siyaasadda islamarkaana uu leeyahay labo madaxweyne iyo labo gole baarlamaan oo mid walba uu sheeganayo inuu isagu yahay hogaanka saxda ah ee Gal-Mudug.