Mas’uuliyiin ku dhaawacmay qarax oo Muqdisho lasoo gaarsiiiyay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya la keenay dhaawacyada Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka goolka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiil Ciidan,kuwaas oo ku dhaawacmay qarax lagula eegtay Tuulada Abiikarow oo ku taalla duleedka degmada Shalaanbood ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Maaliyadda Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa u sheegay Warbaahinta in dadka dhaawacyada soo gaaray ay ka mid ahaayeen Guddoomiye kuxigeenka degmada Qoryooley,Xoghayaha degmada Midka mid ah Saraakiisha Ciidamada iyo lataliyeyaal sare.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhaawacyada mas’uuliyiintaan ay diyaarad gaar ah kasoo qaatay Shabeellaha Hoose,isla markaana ay keentay Magalada Muqdisho si xaaladooda caafimaad loogu daweeyo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay qaraxa,isla markaana jawaab ay ka sugayaan Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Shabeellaha Hoose iyo saraakiil kale oo baaritaanada ku jira.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxa lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo qaarkood ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhaawacooda la keenay Muqdisho.