Masuuliyiin katirsan Maamulka Puntland oo gaaray Gobolka Sool

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa gaaray degaano dhowr ah ku yaalla gobolka Sool oo ay ka jiraan dhibooyin kala duwan oo ay ka qeyb ka yihiin dagaallada.

Degmada Boocame ayay hadda ku sugan yihiin, waxaan qaarkood ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka iyo maamul xumidda ka jirta gobolka Sool oo inta badan ay ku dagaallamaan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebilay) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhowayey dagmada Boocame ee Gobolka Sool, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Dani uu amray in ay soo arkaan Xaaladda degaanada gobolka Sool.

Advertisements