Masuuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo ka degay Garoonka Aadan Cadde (Ogoow sababta!)

Reading Time: < 1 minute

Sida aan wararka ku heleeyno waxaa garoonka aadan cadde ee Muqdisho ka degay Siyaasiin iyo wasiiro hore oo ka tirsanaa Maamulka Soomaaliland waxaana hogaaminaya  Wasiir ku xigeenkii Arrimaha dibadda Somaliland Ahmed Keyse

Inkastoon la ogeeyn waxey u socdaan Wafdiga Wasiiradda iyo Siyaasiyiinta iskuugu jira oo dhamaantood u Dhashay beelaha Isaaq iyo Gadabuursi .

Ila wareedyadu waxeey sheegayaan in lagu hoowlan yahay sidii loo dhisi lahaa Dowlad loo dhan yahay ,iyadoo lagu saleeynaa saami qeybsi Waqooyi iyo Koofur.

Xog ay heshay MOL ayaa  sheegaysa In todobaadkaan gudahiisa ay ka baxayaan Dalka Ingiriiska wafdigii ugu balaarnaa ee Siyaasiyiin,aqoonyahano iyo qurba joog u Dhashay beelaha Isaaq iyo Gadabuursi kuwaas oo lagu Wado iney dhamaantood ka degaan Muqdisho.