Masuuliyiin Ka Tirsan Gobolka Banaadir oo Qirtay In uu Fashil Ka Jiro Shaqooyinka Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Waxa maalmahan sii xogeysanaya is qabqabsiga ka dhex jira Saraakiisha Boliska Gobolka Banaadir iyo Gudomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyado arintaasina ay Hada ku baraarugeyn Masuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka,arinkaaso wax fool xuma ah ku aha Maamulka Gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin arintaasi wax looga qabanaayo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in wada shaqeyn xumadda ka dhexjirta Ciidamada iyo maamuladda degmooyinka ay dhibaato weyn u keentay Shacabka kunool gobolka Banaadir.

Tuulax ayaa tilmaamay in ay waddaan qorshe lagu dhisaayo gole degaan si ay dadka Shacab ah u doortaan maamul ay ku kalsoon yihiin.

Dulduleelyo xoogan aya ka dhex jira Gobolka Maamulkiisa iyo Saraakiishisa Booliska iyado ay jiraan is qabqabsi xoogan oo ku dhex mara Magaalada Gudaheeda kuwasi sababa wax yeelo so gaarta Shacabka.