Mas’uuliyiin cusub oo lagu eedeeyay Musuqmaasuq loona gudbiyay Maxkamad

Reading Time: 2 minutes

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo eedeeyay mas’uuliyiin cusub oo loo heysto kiisas musuqmaasuq, kuwaaso loo gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Xubnaha cusub ee ku biiray 18 mas’uul iyo shaqaale hore kiisaskan ugu eedeysnaa ayaa ka kala tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in saraakiishan loo heysto lunsasho, xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuurka dukumiintiyo dowladeed, waana rag dhammaantood maqanayaal ah.

Dhinaca kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay isla maanta inay xubnahan ku hor yimaadaan muddo Bil ah, waxayna redaysanayaashan oo dhammaantood maqanayaal ah kala yihiin:

1. Eedaysanaha 1aad: Cusmaan Xasan Cosoble: ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdalka iyo jinsiyadda ee JFS, Maqane.

2. Eedaysanaha 2aad: Jacfar Maxamed Axmed, Ahaanna Agaasimihii Guud ee Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda XFS, Maqane.

3. Eedaysanaha 3aad: Cabdikaafi Xasan Maxamed, Ahaanna Agaasimihii Maamulka & Maaliyadda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS, Maqane.

4. Eadaysanaha 4aad: Maxamed Xuseen Nageeye, Ahaanna Sarkaalkii hore ee mas’uulka ka ahaa qaadashadda fiiso kordhinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda XFS, Maqane.

5. Eedaysanaha 5aad: C/xakiim Cabdullahi Cabdi (Jiile), Ahaana La-taliye Agaas imaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee DFS, intii u dhaxaysay 15 November 2021 ilaa 20 April 2023, Maqane.

6. Eedaysanaha 6aad: Cabdalla Maxamed Axmed, ahna Agaasimaha IT-ga ee Xafiiska hanti dhowraha Guud ee Qaranka, Maqane.

7. Eedaysanaha 7aad: Maxamed Ibraahim Axmed, ahna Sarkaal ka tirsan Waaxda Ajaanibta & fiiso kordhinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda XFS, Maqane.