Masuuliyada iyo Waajibaadka Dowlad Goboleedyada iyo tan Federaalka waa Isku Tolan yihiin

Reading Time: 2 minutes

Waxaa in muddo ahba nidaamka dowlagiga ee Somaliya ka muuqatay dayacaad masuuliyadeed iyo ku takrifalkeed kuwaas labadaba keeni doona khaldaad laga baaqsan karay oo dhinac walba ah. Dowladda dhexe waxaa laga rabaa inay jiheyso siyaasadda dalka tan guaha iyo dan dibadda halka dowlad gobboleedyada hashooda ay tahay  iany hergeliyaan siyaasaad guud ee dalka loo jeexay.

Awoodaha dowladaha waa herar kala hooseeya oo u baahan in qolo wliba halkeeda lagu ixtiraamo , lagulana xisabtammo walow ay jiraan masuuliyado gudbaya oo labada dhinac u kala tallaabaya sida tan daryeelka dalka guud aahaan oo cid waliba waxaa ka saaran masuliyad in la wada ilaaliyo bedqabka guud ee dadka iyo dalka oo dhan.

Dowlad Doboleedyada (DG) waxay ka wakiil yihiin masuulna ka yihiin shacbi Somaliyeed oo dantooda ay ku xeran tahay dadka Somaliyeed oo dhan ee deggan degaanno aysan sharciyan ka talin, waxaa markaas Khasab noqoneysa inay markasta oo ay go’aan ka qaadanayaa arrin inay isweydiiyaan sidee ayey u saameyneysaa walaalaha kale ee Somaliyeed cidda in lagala tashadaa ay tahayna waa dowladda Federalka oo iyada dalka oo dhan duuduub uga masuul ah.

MW Xasan shekh waxaa lagu yaqaannaa inuu talowadaag leeyahay oo uu dhageysto aragtida dadka ay talada kala dhaxeyso, wuxuuna yaqaannaa goorta ay tahay in lala tashado iyo goorta uu isaga kaligiis leeyahay go’aanka iyo masuuliyadda arinkaas iyadoo laga eegayo mar waliba buug yaraha dalka lagu hago ee la yiraahdno distuurka.

Haddaba Madaxda Maamul goboleedyada ma caqlibaa markey dowladda Fedraalka wax isku qabtaan inay Itoobiy ama Kenya u cararaan oo ay col u doontaan dowladda Fedraalka iyagoo magac ahaan iyo maamuus ahaanba isku dhaawacaya oo noqonaya nie xaaskiisa Iyo ilmahiisa ka dacwoonaya?

Dagaalka iyo colaadda waxaa loo baahan yahay inay jirto meel aysan dhaafi Karin oo qof waliba uu ku xermayo. Waxaa socota hadda in , Deni, Laftagareen iyo Qoorqoor ay ku soo socdaan doorashooyin kuwaas oo la rabo in:

  1. Waqtigooda lagu qabto, Si cadaalad ahna ay u dhacaan
  2. Dowladda Federaaka waa inaysan faragelin, oo ay noqotaa hooyadii loo soo cararayey ee waa inaysan noqon mid laga cararo.
  3. Hogaamiyayaasha DG waa inay ku tashadaan dadkooda oo ay aaminaan inay dadkooda kaliya ku soo celin karaan xukunka sida Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey in jidkii uu wax ku xukmayey afartii sano ee hore uu saxnaa, kadiban la goostay in dib loogu laabto jidkaas oo laga beyray oo hogaanka loo igmado mar kale.

Haddii ay u arkaan inaan dadkooda rabin inay kursiga ku soo noqdaan maaha inay dalalka deriska ah hiil u doontaan ee waa inay hiilka ka dex raadiyaan dadka ay xukumaan oo ay fursadda u heleen inay la hadli karaan.

Hogaamiyaha Maamul Goboleedka wuxuu haystaa fursad ay dadkiisa dib ugu ceshan karaan iyo qof uu ka tusaale qaato oo beeniyey hadalkii ahaa Somalida madax ay aragatay sooma celiso. Waa soo celisaa haddii in la soo celiyo ay danta dalka ku jirto. Dowladda Federaalla waxaa laga rabaa inay doorashooyinka ammaanka sugto ay suurgaliso si sax ah u qabsoomaan.

MW Xasan Sheekh waxaa uu caado u lahaa inuu mar waliba maamul goboleedyada la tashado, waana tii dhaliil looga dhigi jiray dalka wuxuu gacanta y geliyey Madaxda Maamul Goboleed. Dalka waa wada leeyahay waa in la wada ilaaliyaa, inaad ila leedahay xaq kaliya maaha ee waajibaad ayey keeneysaa. Hogaamiye dalkaaga ka feker si dadkaagu u badbaado, cadow hiil joogta ah kuuma noqon karo laakiin dadkaaga ayaa kuu noqon kara kuna soo ceshaan kara.