Sida ay sheegayaan Wararka MOL ka heleeyso Magaalada Hargeeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland waxaa xabsi lagasii daayay shaqsi ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya,iyadoo si deg deg ahna loo amray in la musaafuriyo.
Agaasime waaxeed ka tirsanaa wasaaradda Warfaafinta xukuumadda oo maalmihii ugu dambeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa ayaa maanta laga soo masaafuriyay magaaladaasi.
Agaasime waaxeedka oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Axmed, ayaa ahaa agaasimaha waaxda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee wasaaradda warfaafinta, waxaana dib xoriyadiisa loo siiyay maanta.
C/raxmaan Axmed ayaa la xiray kadib markii uu booqasho uu ku tagay magaalada Hargeysa, isaga oo xiligaasi booqanayay qoyskiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha Bulshada.