Masuul Horey Usoo Noqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Kooxo Badan Ay Muqdisho Ka Howlgalaan

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahaana duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxa uu ka hadlay dilalka ka dhacaya Muqdisho iyo kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac ka geysanaya Magalada Muqdisho.

Isaga oo wareysi Bixinayay ayuu sheegay in dhibaatooyinka amni ee ka dhacaya Muqdisho xilligaan ay yihiin kuwo sii kordhaya, isla markaana dhibaato ku tahay Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir.

Waxa uu sheegay in dadka dhibaatooyinka Shacabka u geysanayo ay u baahan yihiin in gacan bir ah lagu qabto, cadaaladana la hor-geeyo dadka ka dambeeya falalka ee loo qabtay.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Muqdisho albaabooyin farabadan ay ka furan yihiin, islamarkana ay ku soo kordheen dhibaatooyin aan jirin xilligii uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Hay’adaha aniga ayuu ugu baaqay in mar walba ay ku dadaalaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka dhibaatooyinka geysanaya si dadku ay ugu noolaadaan amni wanaagsan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!