Masul U Geeriyooday Rasaas uu La Dhacay Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowlada

Reading Time: < 1 minute

Waxaa shalay magaalada muqdisho dhaawac loogu geystay gudoomiyihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha degmada Xamar Jajab, kaa oo u geeriyooday markii danbe dhaawacii shalay soo gaaray gudoomiyaha.
Dad ku sugna halka falkasi uu ka dhacay aya sheegay in dilka gudoomiyahaasi uu ka danbeeyay askari katirsan ciidanka dowlada, balse aan la garaneyn sababta ka danbeysay dilkaasi.
warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka ka danbeeyay dilka gudoomiyahaasi, inkastoo aysan jirin cid si rasmi kaga hadashay waxa uu salka ku hayo dilka G/dhalinyarada & Ciyaaraha degmada X-jajab.
Ruuxa dilka geystay aya goobta isaga baxsaday sida ay shegayn dad halkaasi ku sugna waxana ay arintasi ay noqotay mid si aad ah loga hadal hayo muqdisho,iyado ay so badanayan dilalka lo geysto masuliyinta ka tirsan dowlada somaliya.