Iyadoo maalinimadii shalay aheyd ay Saddex kamid ah musharixiinta madaxweynenimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay shaaciyeen in qalqal siyaaadeed oo dhanka dastuurka uu ka jiro maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa u jawaab celiyay wasiirka warfaafinta maamulkaasi.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in warka kasoo yeeray musharixiinta uu yahay mid aanan waxba ka jirin, wax qalqal dastuur ama siyaasadeedna uunan ka jirin maamulkaasi
Waxa kale oo uu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi uu yahay sii haayaha madaxweynaha maamulkaasi ilaamaa Madaxweyne cusub laga doortrana uu sii heyn doono xilkaasi, taasina ay tahay sida uu dhigaayo dastuurka maamulkaasi.
Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu hayaa indhaha, waxaana laga dhur sugayaa sida ay u qabsoonto iyo cida kusoo bixi dooonta.