“Masaajidkiina Kaniisad Ayaan ku bedelynaa” Waa Amarka Yariisow, Kheyre Iyo Faarmajo.(Daawo Video)

Reading Time: 3 minutes

Waxaa dareen xanuun leh ku haya dadka Muqdisho deggan golaha shacbiga oo aan marnaba daneyn ama ka fekerin dhibaatada haysataa dadkaan ee amaandarri iyo qallajin jeebabkooda ay isugu dartay.

Maanta waxaa golaha shacbiga laga baryayey in waxyar laga yiraahdo ammaanka Magaalada Caasimadda ah oo ay soo jeediyeen xildhibaanno runtii iyo runtii ka damqaday dhibaatada joogatada ah ee ku haysata magaalada sahcbiga Muqdisho. Xildhibaanadaan lagama soo dooran caasimadda oo ma jirto cid ka wakiil ah caasimada, waxaasa ay gudanayeen mahadi haka gaartee mas’uuliyad qaran oo waxaa la hubaa in haddii dhibaatada ay meel kale ka dhacdana waa u damqan lahaayeen.

Aaway guddomiye ku xigenkii shalay lahaa Xamar waa naga dhaxeysaa? Runtii Xamar dadka kama  dhaxeyso ee waxaa Somalida ka dhaxeeya canshuurta laga guro. Xamar dadka kama dhaxeyso marka ay dadkeeda dhimanayaan maalin walba. Xamar dadka kama dhaxeyso marka xildhibaan aad gaari ay xabaddu Karin aad ku wadatid, hotel qabowna aad ka daggan tahay laakiin aad u diido nolol iyo Nabad dadka bixiyaa hoteelkaas iyo gaarigaasna kuu gaday?

Dadka Muqdisho waa inay ogaadaan in aysan jirin cid haba yaraatee ka naxaysa waayo ma jirto sabab ay uga naxaan maadaama aysan ka masuul ah oo ay ka yimaadeen degaano kale oo ay ka wakil yihiin.

Barlamanka

Haddii uu yahay barlamanku xilgudanaya maanta waxay u yeeri lahaayeen RW Kheyre iyo madaxda laamaha amaanka wayna kala noqon lahaayeen kalsoonida. Hasa yeeshee maahaa xildhibaanno oo ma gartaan waxa ay xildhibaannimadu tahay taas oo ah inay ka wakiil yihiin shacbiga hasa yeeshee waxay halkaas u joogaan waa naftooda waxayna ku qaraabtaan magaca xildhibaannimada.

Koox yar ayaa ka damqatay waxaana rabbi uga baryeynaa inuu Rabbi xafido, garashadooda mas’uuliyadeedna uu u daayo sidoo kale dadka Somaliyeed hakala garteen xildhibaanka hunguri halkaa u jooga iyo kan mas’uuliyad iyo xilgudasho u jooga.

Muqdisho Toos

Dadka Xamar deggan ha joojiyeen canshuurta iyaga lagu laaynayo, taladooda ha la wareegaan, ha sameystaan ciidan u gaar ah oo ilaaliya naftooda, maalkooda iyo caruurtooda. Waayo ciidanka dowladda iyaga uma shaqeeyo ee wuxuu u shaqeeyaa Kheyre, Farmjo, iyo Yariisow haddii kale iyaga ku jiri lahaa dadka dhimanaya amaa dhaawaacmaya. Ma ahan wax aan la sameyn Karin inaad Muqdisho mas’uuliyaddada la wareegto ee waxay u baahan tahay geesinimo iyo hogaamin ka timaada shakhsiyaad naftood hurayaal ah oo u xanuunsada dadkooda joogtada loo laayo,iskana fogeeyo calshood u shaqeystayaasha culimo iyo caamo leh ee idinka dhasahy.

Bilaha Febrayo iyo Marso  oo kaliya waxaa Xamar lagu dilay 72 qof, waxaana lagu dhaawacay 134 qof oo dhamaantood ahaa masaakiin. Xaaladdu sidaan waa ka duwanaan lahayd haddii ay magaalo kale ay ka dhici lahayd arrintaan ama  waxa dhintay ay ahaan lahaayeen xildhibaanada aan waxba noo tareyn ee ay nonolshoodu dhibka nagu hayso.

Dadka Muqdisho ha tashadeen qarankan way biilaan, laakiin bilkoodii ayaa lagu dilaa $15 Milyan Xamar uma heli waaynin inay ammaankeeda sugto.

Ha ogaadeen Xamar kama tirsana dowladda Federaalka waayo wakiillo kuma laha golayaasha looga taliyo dalka, waana sababta keeneysa in lagu dilo canshuurta laga qaado waana astaamihii lagu yaqiinnay gumeystaha intuu hantida kaa gurto ayuusan waxba kuu qaban. Dowladdaan Farmajo iyo Kheyre ma sheegi karto hal shey oo ay Muqdisho ku soo kordhisay intii ay joogtay. Hal jid ma dhisin, hal cusbitaal ma dayctirin, hal ceel ma qodin, hal iskuul ma dhisin marka maxaad canshuurta ku bixisaan oo aan ahayn in la idinku laayo. Shabaab haddaan dowladdu idiin lug qaban maalin cad ayaad ka adkaan kartaan oo waa dad laga kala keenay gobollada kale.

Haddaba waxaa la soo gaaray waqtigii la la bilaabi lahaa kacdoon shacbi oo la iska kicin lahaa cadowga ku haysata oo kala ah dowladda Federaalka oo aadan ka mid ahayn iyo shabaab oo iyaga raadsaneysa. Haddii aad dowladda iska qaadaan shabaab ama waa idin la heshiin ama gobolladii ay ka yimaadeen ayey aadayaan, balsa dowladda waa in la iska kiciyaa.

Reer Muqdishow dhageysta waxa dadkiinna lagu falay. Ogaada dowlad waxaa looga badabaadaa seddex middood: a) Adigu hayso yaan laguu diline. b) Qof aan kugu dileyn oo aad amaa xiriir la lahayd ha kuu hayo. c) Awood aad isaga dhicisa u lahaaw haddii kale sidaan ayey ku yeeleysaa oo Sadiq Joon ayaa masaajidaada Kaniisado u rogaya, waayeelkaaga 90 jirna ka ooysiinaya, daacigaaga indhahala’na sidaas ula dhaqmaya.

Bal dhageyso oo ka dhiidhi ama ku farax.