Masaajidada Xera Marfashyadan Fura waa 10 kii dambe ee Ramadaan.

Reading Time: 2 minutes

Madaxda Somalida midkii aad maalmo u bogtaaba macnaddarro ayey la soo baxaan. MW Maamul goboleedka Puntland  Sicid Cabdullahi Deni oo in muddo ah u muuqday shakhsi aragtida dalka uu ka leeyahay ay wanaagsan tahay ayaa maanta waxaa diirka ka qaaday qofka u yahay.

Dowladda Puntland waxaa ka soo yeeray hadal aan wax lagu macneeyaa la aqoon, kaas oo ah maadaama lagu jiro 10kii ugu dambeeyey bisha Ramadaan in lagu furo marfashyada iyo goobaha qaadka lagu iibiyo, lana keeni karo qaadka, balsa aan masaajidada la furi Karin, la tagi Karin, laguna tukan Karin salaad Jamaaca ah, mid Taraawiix ah iyo mid tahajud ah.

Arrinkaan oo u muuqda in dadka reer Puntland iyo Dhamman Somaliya laga baabi’iyo wixii ay cibaado iyo sabar soo sameysteen bishan oo dhan. Madadxda Somalida mar waliba waa kuwo iyaga daneysta ee Qara iyo qof midna u daneyneyn.

Qaadka waxaa uu dadka Somaliyeed ku hayaa dhibaatooyin aad u badan sida:

  1. Caafimaad darri oo qaadka waxaa soo gura dad ay nadaafadooda aad u liidato, lama dhaqi karo oo haddii la dhaqo daroogada ayaa ka baaba’aysa.
  2. Dhaqaalaha dalka ayuu la dagaa oo waxaa Somaliya kaga baxda lacag xoog leh oo doller ah.
  3. Reerka ayuu isku diraa oo waxaa inta badan marfashyada fadhiya raggii qaranka iyo reeka u shaqeyn lahaa, cibaado iyada warkeedaba daa.
  4. Waxaa fidiyaa fusuqa, faaxishada iyo dhammaan waxkasta oo rabbi looga fogaanayo.

Haddaba waa wax laga naxo in xukuumadda Punland oo la is lahaa waa xukuumad ka fekerta aayaha ummada ay mas’uulka ka tahay iyo tan Somaliyeed oo dhan maanta ay caddaatay inaysan waxba is dhaamin Deni iyo Farmajo oo tooda kaliya ayey ka naxaan.

Amarka Dowladda Puntland “ Masaajida xera, Merfeshyadana fura oo waa 10 kii dambe ee Ramadaan” Tolow 10 dambe ma fisqi iyo faaxisho ayaa loogu dabbaaldegayaa?

Dhinaca kale aaway waddaadii Ictisaam ee iska oohin jiray marka khaladkooda la soo hadalqaado ama u fadwoon jiray wadaad miskiin ah oo ay talo ka qalloocatay in lagu jihaado maanta may wax ka yiraahdaan.

Ugu dambeyn Mudane Deni ha ogaado dadnimo weyn maaha in wax waliba dowladda Federaalka looga horyimaado. Haddey saxan tahay waa in la raaco Qaadka waa arrin la xiriirta siyaasadda dibada dalka, si kasta oo uu Farmajo u xun yahay isaga ayaa leh awoodda furidda qaadka ee adiga ma lihid ee waxaad leedahay tan masaajidda ee fur iyada haddaad sax u aragto.