Alle ha u naxariistee Maryam C/llaahi waxay aheyd Sarkaal ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO waxayna ka shaqeynaysay Koofurta Soomaaliya.
Dadka yaqaana Marxuuma Maryam ayaa MUQDISHO ONLINE u sheegay in Maryam ay aheyd Gabar day’yar Dhaqtar ah oo aad u dagn waxeyna Ahay’adda uqaabilsaneed deegaanada Koofur Galbeed gaar ahaan gobalka Baay.
Maryam ayaa ka soo safartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay si ay u iibsato adeeg ay u baahneed, waxayna rag hubeysan ay ku dileen Gudaha Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdishi.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka Haweeneydaan ka tirsaneed Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO qeybteeda Soomaaliya.