Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo aas qaran Muqdisho loogu sameeyay

Barqadii Maanta ayaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa ka soo degtay diyaarad siday meydka Wasiirkii Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Jimcihii ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen, Ra’iisul Wasare Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiye ku xegeenka 2aad ee Golaha Shacabka, iyo Xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaada Janaasada Meydka Maxruumka waxaa lagula dukaday Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho,waxaana ugu dambeyn lagu aasay khabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Wasiir Xoosh uu ka mid ah Wasiirada sida gaarka ah uga Shaqeyn jiray,isla markaana uu tusaale u ahaa, samatabixinta Ummadda Soomaaliya, dhameystirka Dastuurka iyo in Qabyaalada Qaranimo lagu bedelo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiirada oo Aaska ka qeyb galay Aaska ayaa uga tacsiyadeeyey Shacabka Soomaaliyeed iyoi Ehelada uu ka geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Alle ha u naxariistee Marxuum Xoosh ayaa sanadkii 1956 ku dhashay magaalada Jowhar isagoo bilowgii waxbarashadiisii ku soo qaatay magaalada Jowhar, wuxuu shahaaddada koowaad ka qaatay Jaamacadda Toronto isagoo diyaariyay Cilmiga Sociology-ga, kadibna wuxuu cilmiga Sharciga ka diyaariyay Iskuulka Osgoode Hall Law School ee jaamacadda York ee ku taalla Toronto, Canada. Marxuum Xoosh oo muddo Qareen ahaan uga shaqeeynayay dalka Canada ayaa ka soo shaqeeyay arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka, Qoyska, Shaqaalaha iyo arrimaha Xuquuda Aadanaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here