Marxum Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo Lagu Wado In Cadaado Lagu Aaso Iyo Salaadi Janaasada Marxumka oo Masuuliyin Ay Ka Qeyb Galeen

Reading Time: 2 minutes

Masuuliyin ka tirsan Dowlada Federaalka oo uu horkacaayo Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo masuliyin ka tirsan ku wa maamul goboled yada dalka,Xildhibano,odayaal Dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulkshada aya ka qeb galay Salaadii Janaasada oo Masjidka Isbaheysiga Islaamka lagula dukaday Allaha u Naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo habeen ka hor ku geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Salaada Janaasada ka qeyb galay Madaxweyne Xaaf iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Wasiirka Amniga, Xildhibaano,Odayasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulsahda
Meydka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa loo qaaday Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo lagu aasi doono maadaama inta uusan geeriyoon ka hor uu ku dardaarmay in lagu aaso.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi Soomaalinimada ku weyn tahay isla markaana waqtigiisa ugu badan geliyay dhanka Nabadda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intaasi kadib u Magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka qeyb qaata tacsida Nabadoonka iyo waxayabaha kale ee looga baahan yahay.

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ka socoto qaban qaabada aaska Marxuum Axmed diiriye Cali,iyada oo Cadaado uu ku soo wajahan yahay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xasan.