Marwo Edna Adan oo ka hadashay xayiraada xoolaha Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Marwo Edna Aadan oo ah qof u ololaysa gooni isku taaga Somaliland ayaa warbaahinta kula hadashay magaalada Berbera. Marwa Edna ayaa meesha ka saartay in dawlada Soomaaliya wax laga waydiiyo dhoofka xoolaha somaliland, waxaanay tilmaantay in xidhiidhka somaliland iyo sucuudigu uu yahay mid qoto dheer oo adag.

Marwo Edna oo ka hadlaysa arimahan ayaa waxay tidhi “Waan ku faraxsanahay kuna faanaynaain somaliland ay xidhiidh boqolaal sano jiray la leedahay wadanka Sucuudiga kaas oo xataa ka horeeyey wakhtigii aan shiidaalka laga helin, marka ay dhibaatooyin ku dhacaan sucuudiga ama cunto la,aani soo wajahdo ama abaari haleesho waxaanu markab kaga tagaynay somaliland si aanu u caawino walaalahayaga sucuudiga.”.

Sidoo kale marwo Edna Aadan waxay ka hadashay muhiimada dhuleed ee ay Saomaliland leedahay iyo taariikhda ay ku leedahay dagaalkii koowaad iyo labaad, waxaanay xustay in magaalada Berbera ay ahayd halka sahayda laga gaadhsiiyo ciidankii Ingiriiska ee joogay magaalada Cadan ee wadanka Yeman.

Marwo Edna Aadan waxa kale oo ay ka hadashay dhibaatada ka dhalan karta in mudo badan xoolo lagu dul daayo markabka iyada oo lagu jiro xiligii kulaylaha taas oo xataa ay ka dhamaan karaan sahaydii looga sii qaaday magaalada Berbera.

Marwo Edna Aadan waxa kale oo ay tilmaantay in xoolaha ku xanibnaa markabka oo gaadhaya 20,000(labaatan kun oo neef) ay u socdeen xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka, iyada oo tilmaantay inaanay jirin sabab xoolahaasi loogu hor istaago amar ka yimid soomaaliya.

Dowlada Farmaajo ayaa isku dayday in ay joojiso xoolaha loo dhoofiyo dalka Sacuudiga. Wax dan ah ay ka helayso dowlada Soomaaliya ma jirto in dad Soomaaliyeed xoolahooda la laga horistaago in ay iib geeyaan. Talaabooyinka noocaana waxa ay sii kordhinaysa naceeybka iyo cadaawa u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Somaliland.