Marwada MW Farmaajo abtigeed oo loo magacabay agaasimaha hab maamuuska Villa Somalia

Reading Time: < 1 minute

MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdi Xaaji Cumar Sandhool oo abti u ah Marwada MW Farmaajo Saynab Cabdi Macallin, inuu noqdo agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada.

Cabdi Xaaji ayaa beddeli doona madaxii hore ee agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada Saciid Kampala oo bishii tagtay ka baxsaday Muqdisho kadib markii uu lugaha la galay arrimo la xiriir muran dhuleed, si qaldanna u adeegsaday ciidamada dowladda.

Cabdi Xaaji Cumar Sandhool oo in muddo ahba degenaa dalka Ingiriiska ahaane wade taxi, kana mid aha madaxda jaaliyaddaha ka dhisan magaalada London, wuxuu sidoo kale ka mid aha dadka taageersan MW Farmaajo ee ku nool dalka Ingiriiska, hase ahaatee markii uu Farmaajo guuleystey waxaa uu rajeynaayey xil wasiir, taasi oo aan dhicin.

Mas’uulkan ayaa la sheegay inuu abti ugu aadan yahay xaaska madaxweynaha oo hooyadeed ay xigto yihiin.

Marwada madaxweynaha ayaa muddooyinkan dambe waxaa la arkaa in ay dad badan oo xigtadeeda ah ay ku soo biirineyso dowladda.

Cabdi Xaaji Cumar Sandhool ayaa waxaa la magacaabey shalay isagoo jooga London, waxaana uu dhowaan iman doonaa Xamar si uu shaqada loo magacaabey u qabsado.