Marwada Koowaad ee dalka Turkiga Emina Erdogan oo Marwo Saynab Macallin ugu deeqday $1.5 Milyan oo doollar (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Saynab Cabdi Macallin oo maalmihii u danbeeyay booqasho rasmi ah ku joogtay Magaalada Ankara, ayaa la kulantay marwada koowaad ee dalka Turkiga Emina Erdogan.

Kulanka ayaa lagu lafoguray xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Si gaar ah, waxa ay labada marwo kulankooda xoogga ku saareen arrimaha caafimaadka gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka, iyaga oo hoosta ka xariiqay in ay waajib tahay garab istaagga hooyooyinka Soomaaliyeed.

Marwada koowaad ee dalka Turkiga Emina Erdogan ayaa ugu deeqday Marwo Saynab Cabdi Macallin lacag dhan $1.5 Milyan oo doollar taasoo marwo Saynab ay ku dhiseyso MCH magaalooyinka Dayniile iyo Beledweyne sida ay MOL u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Turkiga.

Safarkan ayaa sidoo kale muhiimaddiisu labaad ahayd ka qaybgalka Xuska Maalinta Afrika oo sanad kasta la xuso 25 May, 2019, xafladda xuska ayaa lagu qabtay xarun loogu magacdaray “Xarunta Afrika ee Ankara.”

Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa ahayd qofka lagu maamuusay sanadkan, ayaa si hordhac ah ugu dirtay guud ahaan dalalka Afrika hambalyo, isla markaana waxa ay soo jeedisay khudbad ay kaga hadashay waayaha Qaaradda Africa iyo doorka ay Soomaaliya ku lahayd dhismaha Ururka Midowga Afrika.

Xafladda lagu qabtay caasimadda dalkan ee Ankara, ayaa waxa ka soo qaybgalay Danjireyaasha dalalka Afrika iyo kuwa muslimiinta ah ee ku sugan dalkan iyo marti sharaf kale.

Marwada ayaa waxaa safarkeeda ku wehliyay lataliyaheeda arrimaha haweenka & ganacsiga Marwo. Nasra Wehliye.