Marqaatiga Hogaanxumida  iyo Dayaca Dalka Soo Gaaray Waxaa Kuugu Filan COVID 19 oo loo Dhamaanayo Hadda

Reading Time: 3 minutes

Waxaa si xawli ah Magaalada Muqdisho ugu soo badanaya Cudurkan Dilaaga ah ee COVID 19. Cidi kama qarsoona inuu hadda xoog uga socdo magaalada Muqdisho hasa yeeshee aysan jirin cid xil iska saarta ama ka welwesha. Waxaa ugu dambeeyey oo aad wada xusuusantaan Caalimkii Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo u dhintay cudurka kadib markii loo waayey mishiinka lagu kaalmeeyo neefsashada ee Ventilator taas oo xataa dowladdii uu intaas u ololneynayey ee uu lahaa haddii la taabto mucaaridka gurahooda ayaan ugu daadaneynaa aysan wax dan ah ka gelin.

Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxaa uu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ee dowladda Farmajo aadka ugu taageeri jiray xaqdarrada iyo gefafka ay shacbiga ka gasho. Sheekh Rabbi haka dhaafo wixii ka dhacay, jannanan ha ugu deeqee waxaa uu u geeriyooday cudurka Coronavirus oo dhawaan soo ritay.

isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn oo ay dowladda ku sheegaty inuu yahay xaruun loo diyaarisay COVID 19 ayuu ku geeriyooday, waayo Cisbitalka magac ayuu diyaar ka yahay ee ma aha cisbitaal la tacaalli kara COVID 19.
Cudurkaan waa halis weyn oo saf mareen ah waxaana hadda soo baxaya hogaan xumida dowladdii dalka la degtay. Maamul xumada Caafimaadka ee ka dhalatay dowlad xumada isma qarin karto waxayna u soo muuqaneysaa si degdeg ah. Haddii uusan dalkaas lahayn hogaan wanaagsanna waxaa la garayaan meel shacbiga ay ku baaba’ayaan, waana la soo gaaray oo hadda caafimaadka oo kaliya ayaa noo muuqda laakiin dhinac kasta waa Faashil.

Xataa waddanada dunida ugu horreeya ee madaxdooda aysan qaadan mas’uuliyadda dalkooda si degdeg ah ayaa loo arkaan waxaana ka mid dalka adduunka maanta ugu awoodda iyo aqoonta badan ee Mareykanka. Markii uu joogay Trump oo ah halayey uu hiigsado habdhaqankiisa Farmajo waxaa ka dhimanayey dad aad u badan. Tusaale 20kii Janaayo 2021 oo Trump khasabka  looga wareejinayey Xilka aqalka cad  waxaa  dalka Mareykanka ka dhintay maalintaas  oo kaliya 4380 qof. Maanta oo ah 15kii Febraayo 2021 waxaa dhimatay 994 qof oo kaliya bal u fiirso Farqiqa u dhaxeeya , waxaana Joe Biden  uu Dalka hogaaminayey 25 maalmood oo kaliya.

Haddaba waxay tusaale u tahay kuwa uu rabbi ku sheegay Uulul Albaab ama caqliga leh in hogaaminta daka ay muhiim taha ywaliba xelliga ay aafootinka jiraan sida dagaal ama daacuunkan ( waxkasta oo sahal ku fida)  oo kale. Wuxuu isla markiiba ku dhaqaaqay sidii cudurka faafiddiisa loo yareyn lahaa waxana ballan qaaday in 100 Milyan oo qof latallaali doono 100 maalmood ee uu xafiiska joogo. Waxana la leeyahay sida loo socdo ka badan ayaa la tallaali doonaa.

Hadaba waxaa Khasab ah in dalkeenna uu yeesho hogaan degdeg ah oo hawshiisa kowaad ka dhigta la dagaallanka cudurkaan uu Farmajo sidii Trump dalka ku sii daayey. Waddama ay hogaamiyayaashooda si wanaagsan ugu istaageen dhimashada waxay aad uga yar tahay waddamada ay madaxdooda si dhab ah  aanay ugu jeesan wax ka qabadka cudurkan. Annaga hoggaankeennu wuxuu ku jiray dadaal aad u weyn oo ah sidii dadka Somaiyeed loogu nugleyn lahaa cudurkan waayo dhibaatooyinka uu cudurkaan dadka uu ku laayo waxaa ka mid ah:

  1. Nadaafad Darro oo dadka waa inay helaan biyo nadiif ah iyo waxyaabaha gacmaha lagu dhaqdo. Somaliya cuntadii ayaa la la’yahay maxaad biyo nadiif ah ka sheegeysaa.
  2. Waa inay helaan cunto nadiif ah oo ay dadku shaqeysan karaan lama shaqeysan karo oo waddo waliba waa kaa xeran tahay amaanna ma jiro waa la dhici, lagu xadi, la xoogi, laguna gowrici.
  3. Waa inay helaan gargaar deg deg ah oo baahsan oo rug waliba laga heli karo, Somaliya meeshaas ayaan is leenahay .
  4. Waa in la helaa tallaal iyo qalabka caafimaadka halkii mashiin ee lagu neefsado waxaa la loo soo qaaday Villada marka maxaad sugi ayey dadku ku leeyihiin.

Waxaasa intaas ka muhiimsan waa in la helaa dowlad u diyaar ah inay qaadato masuuliyadeeda ee aan ku mashquul ahayn sidii  ay u joogi ahayd weligeed. Dhowr toddobaad oo kale oo soo socdaa waxaad arki doontaa cawaaqibxumada ka dahalatay hogaanxumida MW hore Farmajo oo cudurkaan ayaan idiin muujin doona inaad maqashaan kuwa badan oo aad taqaannaan oo u geeriyooday iyo kuwa kuu xiga oo la il daran.

Fadlan isbadalka u hilliya oo taga bannaanbaxa si dalka loogu helo dowlad xalaal ah. Haddii aad dhimaneyso dhareerka waa ila iska duwaa.

“Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye    Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane”