Markii afaraad ayaa ciidamo Itoobiyaan ah lagu weeraray gudaha Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Markii  afaraad asbuuc gudahood ayaa ciidamo Itoobiyaan ah lagu weeraray gudaha Soomaaliya. Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa  ka dhacay dagaal xoogan oo fool ka fool ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolkaas iyo ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay goobta loo yaqaano “Saha Gaduuda” oo ku yallo inta udhexeeyo tuuloyinka Kurteela iyo Yurkud, kadib markii Al Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya siida ay sheegan ilo wareedyo oo aad lagu kalsoonan kaaro. Dad Goobjoogayaal ah  sheegay in dagaalka ka hor la maqlay jug xoogan taas oo loo maleynayo inay tahay qarax. Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac dagaalkaas kasoo gaaray.

Dagaalkii ayaa ah kii afaraad ee lagu qaado ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaas oo ka sii baxaya gudaha Soomaaliya. Ururka Al Shabaab weli kama hadlin dagaalka shalay gelinka dembe dhex maray iyaga iyo ciidamada Itoobiya.Xaalada deegaankii lagu dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in xiligaan uu yahay mid degan,isla markaana dadkii ku noolaa qaarkood ay sheegeen inay cabsi soo wajahday xilligii uu dagaalka socday.