Markii 7aad oo la baalmaray waqtigii lagu heshiiyay in doorashada BFS lagu soo afjaro, Maxa xigi doono?

Reading Time: 2 minutes

Madaxda wadatashiga Qaran ayaa Muqdisho uga furmay 1 Janaayo 2022 Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo diiradda lagu saarayay Doorashada dalk, daahfurnaanta doorashada iyo Amniga doorashada, kullamo badan oo ay la yeesheyn Midowga Musharaxiin, Beesha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ayee Soo saareyn Golaha 9 Janaayo 2022 heshiis dhigaya in doorashada Golaha Shacabka BFS lagu soo idleeyo muddo 40 cesho ah.

Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayna qeyb ka yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleeyada Dalka iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa kulamo qadka ah ka yeeshay dardargalinta doorashada ayaga oo ku dhawaaqay inay si wada jir ah u dardargaliyaan doorashada.

Dowlad Gobaleedyada Dalka ayaa dib u bilaabay doorashada ayaga oo qaar kood biloway deegaan doorashada labaad halka kuwa kale aysan weli bilaabin.’

Doorashada Goballada Waqooyi ayaa noqotay tii ugu horreysay ee la soo gabagbeeyo ayada oo la soo doortay 46 mudane ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Gobalada Waqooyi Soomaaliland Baarlaamaanka 11aad.

21 Febraayo 2022 ayuu soo xiray Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamd Xuseen Rooble Doorashada Goballada Waqooyi, ayada oo maalintaas la doortay Xildhibaanadii ugu dambeeyay.

Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa noqday xildhibaankii ugu dambeeyay ee la doorta BFS kaas oo deegaan doorashadiisa ay tahay Soomaaliland halka Xildhibaankii ugu horreeyay uu noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Guuleed Qatar.

Wasiirka koowaad ee XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay habsami u socodka doorashad asiga oo fariin u diray Dowlad Gobaleedyada dalka si ay ugu soo idleeyaan doorashada Golaha Shacabka Waqtigii loo muddeeyay.

Xildhibaanada Goballada Waqooyi ayaa saami ahaan ku leh BFS 46 Xubnood, xildhibaanada soo laabtay ayaa dhan 23 xildhibaan halka kuwa cusub ay yihiin 23 xubnood.

Xildhibaanada Goballada Waqooyi ee haweenka ayaa ah 13 kursi oo dhiganta 28.2 % , 46 xubnood halka kuwa Ragga ay yihiim 33 kursi oo u dhiganta 71.7% , 46 xubnood ee la doortay.

Dowlad Gobaleedka KG ayaa noqotay Maamukii ugu horreeyay ee bilaabay deegaan doorashada labaad taas oo dhammaan la doortay xubnaha KG ku matalaya BFS kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Baraawe oo ah Deegaan doorashada labaad ee KG.

Koonfur Galbeed waxa ay saami ahan ku leedahay BFS 69 mudane waxaa la doortay 50 mudane waxaa u harsan 19 kursi kuwaas oo lagu wado inay dhacdo doorashadooda maalmaha na soo aadan.

Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa noqotay Maamul Gobaleedkii labaad ee bilaaba deegaan doorashada labaad, Hirshabeelle ayaa saami ahaan waxa ay ku leedahay BFS 38 kursi, waxaa la doortay 14 kursi waxaa u harsan 24 kursi.

Galmudug ayaa waxa taala 37 kursi waxaa la doortay 22 mudane waxa u harsan 15 kursi kuwaas oo aan weli la qaban doorashadooda.

Dowlad Gobaleed  Jubbaland oo ah maamulka kaliya aan shaacin deegaan doorashada labaad ayaa waxaa taala 43 kursi, waxaa la doortay 23 mudane waxaa u ku harsan 20 kursi.

Puntland waxaa taala 37 kursi waxaa la doortay 15 mudane waxaa ku harsan 22 kursi oo aan la shaacin goorta ay dhaceyso doorashada.

Dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka BFS la doortay ayaa dhan 170 mudane waxaa dumar ka ah 38 oo u dhiganta 22.3% tirada la doortay halka kuraasta Ragga ay yihiin 132 kursi oo dhiganta 77.6%.

Xildhibaanada ku soo laabtay Baarlamaan ayaa dhan 61 kursi halka kuwa ku cusub Baalamaanka 11aad ay yihiin 109 mudane.

waqtiga doorashada loo jaangooyay ayaa waxaa ka harsan 1 maalin waxaa dhiman 105 kursi makula tahay in lagu qaban karo doorashada kuraastaan hal maalin?